Sawirqaade Tobin Jones ©

Khatarta ku socota Gabdhaha iyo haweenka

Kuwa lagu sameeyay gudniinka waxay halis ugu jiraan infekshin, dhibaatooyin dhalasho, dhiig-bax iyo xitaa dhimasho. Waxay sidoo kale u nugul yihiin guurka degdegga ah, iskuulada oo laga tago, cilladaha caafimaadka dhimirka iyo fursadaha koritaanka, horumarka iyo dakhliga waara.

Ku dhowaad 200,000 oo gabdhood ayaa la jari doonaa sanadkan

In ka badan 200 milyan oo haween iyo gabdho ah oo adduunka ku nool ayaa la nool cawaaqibka gudniinka. Soomaaliya gudaheeda, 99 boqolkiiba gabdhaha iyo haweenka da'doodu u dhaxayso 15 ilaa 49 ayaa maray qalliinka - badankood waxaa laga jaray da'da shan illaa sagaal, sida lagu sheegay sahanka caafimaadka iyo cilmi-baarista ee Soomaalida ee 2020.

99%

Heerka baahsanaanta gudniinka gabdhaha ee Soomaaliya

5-9

Taxda da’da ee gabdhaha badankood la gudo

Inkasta oo qaraarrada Qaramada Midoobay ay ku baaqayaan in la ciribtiro gudniinka, haddana dhaqanku wuxuu ku dhow yahay mid caalami ah oo Soomaaliya ka jira iyadoo tirada dadka ku faafaya ay tahay boqolkiiba 99. Qiyaasta ugu dambaysay waxay muujineysaa in ka badan 2.1 milyan oo gabdho ah oo ku nool Soomaaliya ay halis ugu jiraan gudniinka inta u dhexeysa 2015 - 2030 [3] - ku dhowaad 200,000 oo gabdhood ayaa lagu jari doonaa Soomaaliya sanadkan.

Sawirqaade Tobin Jones ©

Waxyaalaha sababa waxay kasoo askumaan Sinnaan la’aanta jinsiga

Soomaaliya gudaheeda, wadayaasha bulshada iyo sababaha asalka u ah gudniinka waxay ka yimaadaan sinaan la'aanta jinsiga, oo ay ku jiraan rabitaanka xakameynta galmada dumarka, taageerida sheekooyinka diinta, helitaanka xaddidan ee waxbarashada iyo fursadaha dhaqaale ee gabdhaha iyo haweenka, iyo hubinta heerka bulshada ama gabdhaha, daahirnimo ama guur la'aan. Dhaqanku wuxuu ku adkaystay natiijada ka dhalatay aaminaada ah in haweenka iyo gabdhaha aan la kala goynin ay yihiin waswaasin, nijaas, iyo jir ahaanba aan la jeclayn.

Sawirqaade Tobin Jones ©

Cirib tirka Dhaqamada waxyeelada leh

Sannadkii 2008, Sanduuqa Dadweynaha ee Qaramada Midoobay (UNFPA) iyo Sanduuqa Carruurta ee Qaramada Midoobay (UNICEF) ayaa bilaabay Barnaamijka Wadajirka ah ee Ciribtirka Gudniinka si helo jiil looga joojiyo gudniinka, kaas oo xiriir la leh Himilada Horumarka Waara ee 5 ee joojinta dhammaan dhaqamada waxyeelada leh. markay ahayd 2030.

[1] Hay’adda caafimaadka aduunka (WHO) 2008
[2] Hay’adda qaramada midoobay ee horumarinta dadweynaha (UNFPA) 2014
[3] Taxliilinta gudashada shaqo ee wajiga 2aad – UNFPA mashruuc wadareed ku saabsan gudniinka gabdhaha 2018

Sawirqaade Tobin Jones ©
Samee ballnqaad

Xaq ayey u leedahay gabar iyo haweeney kasta inay gaaraan go'aanadooda iyaga oo xukumaya jirkooda