Sawirqaade Tobin Jones ©

Joojinta waxyeelada leh dhaqamada

Ka hawlgala Soomaaliya ilaa 1970-yadii, UNFPA waa hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha galmada iyo taranka iyada oo ujeedkeedu yahay inay gaarsiiso adduun uur kasta oo la doonayo, dhalmo kastaaba ay nabad tahay oo qof kasta oo dhallinyaro ah la fulinayo. Waxay ka shaqeyneysaa seddexda natiijo ee isbedelka sanadka 2030: joojinta dhimashada hooyada, joojinta baahida aan la dabooli karin ee qorsheynta qoyska iyo joojinta rabshadaha ku saleysan jinsiga iyo dhaqamada waxyeellada leh oo ay ka mid yihiin gudniinka gabdhaha iyo guurka carruurta.

A Mustaqbal ifaya

Ifrah Foundation waxaa aasaasey sanadkii 2010 Ifrah Ahmed iyada oo leh aragti ah in laga ciribtiro gudniinka gabdhaha wadankeeda hooyo ee Soomaaliya. Maaddaama ay tahay badbaadiye gudniinka gabdhaha una dhaqdhaqaaqe caalami ah, Ifraax Axmed waxay lashaqeysaa iskaashi lala yeesho daneeyayaasha muhiimka ah si ay gacan uga geysato u horseedka dadka ay isku dalka yihiin mustaqbal ifaya.

Wax dheeri ah baro

Saddexda tiir ee hawl shaqo

UNFPA iyo Ifrah foundation waxay gacan ka geysanayaan hab saddex tiir ah oo lagu cirib tirayo gudniinka gabdhaha

in laga gado islamarkaana ballan-qaad laga sameeyo haldoorka bulshada saameynta ku dhex leh, goaan gaarayaasha oo ay ku jiraan hogaamiyeyaasha siyaasadda iyo culimaa u diinka

hal abuur saxaafadeed oo xoojinaya farriimaha cirib-tirka gudniinka gabdhaha iyo u qareemida dadaalada awood siinta bulshada

in la dhex galo ururada bulshada iyo waxbarashada iyo kuwa bixiyada adeegyada caafimaad si loo gaaro shaqsiyaadka sameeya gudniinka gabdhaha, waalidiinta, iyo ilaaliyaasha caruurta si loo dhiirigaliyo ballan-qaad sameynta